Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Shiikh Max’uud Caraale oo lagu dilay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Gudoomiyihii hore ee Maxkamada degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa galabta lagu dilay magaalada Muqdisho caasimada Somalia.

Sheekh Maxamuud Caraale ayaa u geeriyooday dhaawacyo ka soo gaaray rasaas ay ku fureen dabley hubeysan oo weerar ku soo qaaday.

Marxuumka ayaa ka mid ahaa culimada ku xeeldheer garsoorka ee laga yaqaanay degmada Wadajir oo uu ka soo shaqeeyey in muddo ah.

Laamaha amaanka dowlada Somalia iyo maamulka gobolka Banaadir  ayaan ka hadlin illaa hadda dilka loo geystay Sheekh Maxamuud Caraale.

Weli ma jirto cid sheegatay dilka Gudoomiyihii hore ee Maxkamada degmada Wadajir inkastoo dilalka noocan ah looga bartay kooxda Al-shabaab oo dagaal adag kula jirta DF iyo ciidamada shisheeye ee taageeraya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Bogg Facebook uu ka sameestay Axmed Karaash oo oo maalmo kadib hawada laga saaray

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo la qaatay Madax kala duwan (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Maamulka Ethiopian Airlines oo war ka soo saaray shilkii ku qabsaday garoonka Muqdisho

Caydiid Ali