Allbanaadir.com
NEWS

Duqa Muqdisho oo balan-qaad culus u sameeyey dhibane Seynab Aadan Saalax (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay dhibane Seynab Aadan Saalax oo la dhibaateysan xanuun ka haleeyay lugta midig, taasi oo wadanka gudihiisa aan wax looga qaban karin.

Duqa Magaalada Muqdisho ayaa marka uu arkay xanuunka iyo dhibaatada Caafimaad ee Seynab Aadan Saalax, waxa uu balan qaaday in Allaha ka sokow uu wax ka qaban doonno xaaladeeda Caafimaad.

Waxaa uu sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo qaadi doonno dalka dibadiisa, si wax loogu soo qabto xaaladeeda Caafimaad.

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banadir Mudane Feysal Caraale Afrax ayaa kormeer shaqo ku tagay qeybo ka mid ah xaafadaha Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho kadib cabasho ka timid Bulshada Deegaanka oo la xariira xernaashiyo wadooyin muhiim u ah isku socodka Degmadaasi.

Maamulka Gobolka Banaadir oo ka jawaabaya Cabashada Bulshada, isla markaana fulinaya awaamiirta Madaxda sare ee dalka ayaa amar ku bixiyay in la furo wadooyinkaasi maadaama aysan hada jirin sabab ay u xernaadaan, isla markaana xaaladihii Amni ee markii hore loo xeray hada laga soo gudbay oo Amniga Caasimadda yahay mid soo hagaagay.

Bulshada Degmada Wadajir ayaa loogu baaqay in ay la shaqeeyaan Maamulka Degmada iyo Laamaha Amniga, si loogu hortago dhagaraha iyo wax weliba oo liddi ku ah Amniga. Waxaana kormeerkaan qeyb ka ahaa Agaasimaha Guud ee Arrimaha Bulshada G/Banaadir iyo Kusimaha Gudomiyaha Degmada Wadajir.

Related posts

(Daawo Sawirro) Toogasho dad lagu laayey oo ka dhacday Banki ku yaala Magalada Louisville

Caydiid Ali

Soomaaliya: “Heshiiska Somaliland & Itoobiya wuxuu ka dhigan yahay iclaamin dagaal”

Caydiid Ali

Mareykanka oo War kasoo saaray Duqeyn xalay Saqdii Dhaxe ka dhacday Kuunyo Barrow

Cabdi Cade
Taboola Ads ---