Qarax lagu dilay Ciidamo katirsan Kumaandooska Danab iyo dad kale oo Shacab ah

Qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso ayaa lagu dilay askar katirsan ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee Danab iyo dad kale oo shacab ah, xilli ay marayeen deegaanka Xaanshooley ee duleedka magaalada Jowhar.

Sida aan wararka ku heleyno qaraxa miino ayaa haleelay mooto nuuca bajaajta ah ay la socdeen labo askari oo katirsanaa ciidanka kumaandooska Soomaaliya iyo labo qof oo kale oo shacab ahaa.

Qaraxa ayaana sababay geerida labada askari ee katirsanaa ciidamada Danab, Darawalkii waday mooto bajaajta iyo qof kale oo la socday, waxaana goobta qaraxa ka dhacay daqiiqado kaddib gaaray ciidamo katirsan dowladda oo meydadka halkaasi ka qaaday.

Deegaankan qaraxa ka dhacay oo ku dhaw garoonka diyaaradaha Jowhar ayaa marar badan horey waxaa uga dhacay qaraxyo miino oo khasaaro kala duwan dhaliyay, waxaana wadadan marin u hayay ciidanka dowladda iyo waliba dad shacab ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -