Askari mar kale Muqdisho ku dilay Bajaajle iyo amaanka oo faraha ka sii baxaya

Darawal kale oo ka mid ah dhalinta ku xamaalata Mooto Bajaajta ayaa galabta lagu dilay nawaaxiga Ex-Hotel Jubba ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka gurigii hore ee Maxamed Dheere

Qaar ka mid ah Wadayaasha Mooto Bajaajta ayaa dil ka dib dhigay dibadbax ay dilka uga soo horjeedaan, iyagoo sheegay in askarigii dilka geystay uu ku baxsaday Mootadii uu waday darawalkii uu dilay.

Darawalada dibed baxayay ayaa sheegay in dilalka loo geysanayo maalmahaan uu aad ugu soo batay Magaalada Muqdisho, waxayna sheegeen in hadii wax laga qaban waayo ay iibsan doonaan hub, ay iskana difaaci doonaan askarta dhibaatada wada

Magaalada muqdisho ayaa waxaa aad ugu soo batay Maalmihii la soo dhaafay dilalka loo geysanayo  darawalada Mooto Bajaajta, shalay ayeyna aheyd markii darawal Mooto Bajaaj lagu dilay agagaarka laami yaraha Soobe ee Magaalada Muqdisho halka mid kalena la dhawaacay, waxaana gacanta lagu dhigay labadii askari ee falalkaas ka dambeeyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -