Wararkii ugu dambeeyey dagaaladii ka socday Magaalada Laascaanood

Xaaladda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa maanta degan kadib dagaal xooggan oo mar kale shalay ka dhacay.

Dagaalkan oo muddo bil ku dhow ka socday magaalada ayaa sababay in badi dadkii magaalada ku noolaa ay ka qaxaan, waxaa kale oo uu saameeyay xarumaha caafimaadka iyo isbitaallada.

Ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka degaanka ee SSC ayaa isku hor fadhiya duleedada magaalada, iyagoo mararka qaarkoodna isweydaarsanaya rasaas goos goos ah sida wararku ay nagu soo gaarayaan.

Dr. Siciid Axmed Xasan Cali oo ka howlgala isbitaalka guud ee Laascaanood ayaa sheegay in cabsi xoogan ay la kulmayaan, sidoo kalena ay gabaabsi yihiin dawooyinka Isbitaalka.

Somaliland ayaa marar badan ku dhawaaqday xabad joojin iyo iney la baxday ciidankii ka dagaalamayey Laascaanood, hase ahaatee waxba kama suuragelin, dagaalka ayaana u muuqday inuu weli sii socdo.

Dad ka badan 100 qof oo shacab u badan iyo boqolaal kale ayaa ku dhintay dagaalada mudada bisha ku dhow ka socda nawaaxiga magaalada Laascaanood, waxaana sidoo kale ku barakacay dad gaaraya 185 kun oo badankood galay dalka Itoobiya ee la deriska ah Somalia sida ayu sheegtay QM.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -