Allbanaadir.com
NEWS

Toogasho saakay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Askari katirsan ciidanka dowladda ayaa saakay isgooska Soobe ee magaalada Muqdisho ku dhaawacay nin shacab ah oo la sheegay in uu ahaa wade mooto bajaaj.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in askariga xabbad ku dhuftay darawalka mooto bajaajta oo magaciisa lagu sheegay Cabishakuur Cabdullaahu Cabdi , waxaana goobta lagu qabtay askarigii dhaawaca geestay sida goobjoogayaal sheegeen.

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa kordhiyay dilalka iyo dhibaatada ay u geesanayaan dadka shacabka ah gaar ahaan darawalada ku shaqeeysta mooto bajaajta.

Dilkan ayaa imaanaya xilli ammaanka magaalada Muqdisho sii xumaanayo maalmihii lasoo dhaafay , waxaana magaalada ka dhacaya dilal ay geesanayaan ciidanka dowladda iyo kooxo hubeesan.

Related posts

(Daawo) DF oo soo bandhigtay qaabkii loo agaasimay qaraxyadii Bakaaraha & ragii fuliyey

Caydiid Ali

Weerar lagu qaaday guryo ay Saraakiil ka degan yihiin Baydhabo

Cabdi Cade

Al Shabaab oo Weerar ku qaaday saldhig ciidan oo kuyaala gudaha dalka Kenya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---