Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo Weerar ku qaaday saldhig ciidan oo kuyaala gudaha dalka Kenya

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhig ciidamada Kenya ku leeyihiin deegaanka lagu magacaabo Goorisa oo hoostaga magaalada Gaarisa ee caasimada gobolka Waqooyi Bari Kenya.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalyahanadooda ay weerar ku qaadeen saldhiga ciidan ee kuyaala duleedka Gaarisa, waxa ayna Al Shababa sheegeen in weerarka ku bur buriyeen saldhiga iyo gaari milatari oo halkaasi yaalay.

Al Shabaab ayaa sheegtay in saldhiga ay weerareen ay joogeen ciidamo ay sheegeen in loogu tala galay in ay ku dhibaateeso kuna gumeesato shacabka Soomaaliyeed ee kunool gobolka Waqiiyi Bari.

Dowlada Kenya ayaan wali ka hadlin weerarkan Al Shababa ku qaadeen saldhiga ciidan, walina lama oga khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay weerarkan ka dhacy duleedka magaalada Gaarisa.

Related posts

Somaliland oo guul weyn ka sheegatay Dagaal ka dhacay Ceerigaabo

Cabdi Cade

Sacuudiga oo xiray Diblomaasiyiin ku lug lahaa fal Dambiyeed lacag badan laga sameeyay

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Ciidamada Booliiska Haramcad ee la wareegay amaanka Dhuusomareeb

Cabdi Cade
Taboola Ads ---