Allbanaadir.com
NEWS

Sirdoonka Turkiga oo nolosha ku qabtay nin ku eedeysnaa dilka 60 askari

Hay’adda Sirdoonka Qaranka Türkiye (MIT) waxay shaacisay inay Sarkaal Sare oo ka tirsan Kooxda hubeysan ee Xisbiga Shaqaalaha Kurdishka ee loo yaqaano PKK ku soo qabteen Hawlgal ka dhacay gudaha dalka Iraq.

Sarkaalka la soo qabtay waxaa lagu magacaabaa Ramazan Güneş, kaasi oo ku eedeysan dilkii 60 Askari oo ka tirsanaa Ciiddanka Ammaanka ee Turkiye oo horey loogu dilay Gobalka Sulaymaniyah ee dalka Iraq.

Sarkaalkaasi waxa uu Kooxda PKK ku biiray sanadkii 2008-dii, wuxuuna ka mid ahaa Maleeshiyadii isku qarxin jirtay Gobalka Hakkaari ee K/bari ee dalka Turkiye., ka hor inta uusan u saarin dalalka Iraq iyo Syria.

Tan iyo sanadkii 2009-kii waxa uu ka tirsanaa Garabka Ciiddanka Khaaska ee Kooxda PKK ee weerarada la beegsan jiray Ciiddanka Turkish-ka.

Muddadii u dhexeysay sanadihii 2011 ilaa 2017 waxa uu Ramazan Güneş door firfircoon ku lahaa weeraro gaadmo oo lagu dilay 60 ka tirsan Ciiddanka Turkish-ka.

Sarkaalka PKK ee Ramazan Güneş oo ay Hay’adda Sirdoonka Qaranka Türkiye ee MIT soo qabteen ayaa la sheegay in ilaalayn lagu hayey muddo hal sano ah, ka hor inta aan lagu soo qabanin Hawlgal Khaas oo ka dhacay Gobalka Sulaymaniyah.

Hawlgalkaasi ma aha markii u horeysay oo ay Shaqsi Dembiile ah ka soo qabteen dalalka deriska la ah ee Iraq iyo Syria.

Dhanka kale, Hay’adda Sirdoonka Qaranka Türkiye (MIT) waxay Sanadkii hore ee 2022-kii oo keliya, Hawlgalo ay ka fuliyeen labadaasi dal waxay ku dileen 23 Saraakiil ka tirsanaa Kooxda hubeysan ee PKK, halka tiro badan oo xubno ka ahaa PKK loo soo gudbiyey gudaha Turkiye.

W/T Ustaad Nuradin

Xigaaho: Turkish Media

Related posts

Siyaasi sheegay in masiirka dalka u muuqdo Marinaayo iyo halkii uu Madaxweynuhu ka soo jabhadeeyey

Cabdi Cade

Dugsiga Al-xusari ee barashada Quranka oo Wargelin muhiim ah u haya Qurbojoogta Soomaaliyeed

Cabdi Cade

Aqoonyahano ka soo jeeda Beesha Murusade oo kulan ku yeeshay Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---