Allbanaadir.com
NEWS

(Daawo) DF oo soo bandhigtay qaabkii loo agaasimay qaraxyadii Bakaaraha & ragii fuliyey

Telefishinka Qaranka ee SNTV ayaa sii daayay Warbixin muuqaal oo lagu soo bandhigay caddeymo ay duubeen kaamirooyinka amniga, kuwaasoo si dhammeystiran looga arkayo qaabkii ay  Al-shabaab u fuliyeen qaraxyo ka dhacay Suuqa Bakaaraha oo goobo ganacsi lagu beegsaday.

Dhowr qof oo ka mida raggii qaraxyada fuliyay iyo kuwii caawinayay ayaa muuqaallada laga arkayaa dhaq dhaqaaqooda ka hor inta aysan qaraxyada fulin iyo kadibba. Waxaana ay taasi fududeysay in wax badan laga ogaado falalka ay fuliyeen kooxdaas oo ka koobneyd lix qof.

Waxaa kale oo iyagana xogtooda iyo muuqaalladooda la helay koox al shabaab ka mida oo suuqa Bakaaraha ku daadinayay waraaqado ganacasatada looga digayo inay kaamirooyin isticmaalaan.

Dad ku dhow 30 qof ayaa ku naf waayey qaraxyadaas oo ka dhacay wadada koowaad ee Suuqa Bakaaraha, halka qaar kale oo ka badana ku dhaawacmeen, waxayna ahayeen si toos ah loola beegsaday goobo ganacsi oo ku yaalla wadadaas

Hoos ka daawo barnaamijka SNTV

Related posts

Iran oo xukun dil ah ku fulisay Muwaadin heesta dhalashaa Sweden oo ay kasoo qafaasheen…

Cabdi Cade

Ciidamada Puntland oo gaaray goob lagu duqeeyay xubno katirsan Daacish

Cabdi Cade

Xildhibaan Shaaciyay in Somalia loo qorayo Maleeshiyo beeleedyo iyo calooshood u shaqeystayal !!

admin
Taboola Ads ---