Ciidamada Liyuu Boolis oo lagu eedeeyey iney laayeen dad ka badan 30 qof

Masuul ka tirsan dawlad goboleedka Oromada Itoobiya ayaa sheegay in 31 ruux oo Oromo ah la dilay ka dib iska horimaadka ka dhacay xadka Soomaalida iyo Oromada

Dilka dadkan ayuu masuulkan ku eedeeyey iney ka dambeeyeen ciidammada gaarka ah ee degaanka Soomaalida ee Liyuu Boolis kuwaasoo uu sheegay iney rasaas ku fureen dadkan subaxnimadii Axadda.

Waxaa uu sheegay masuulkan ka tirsan maamulka Oromada in Dadka dhintay ay ku jiraan carruur iyo ciroole, shan ka mid ahna lagu sheegay dumar.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka ciidamada Liyuu Boolis ee dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya, lamana hayo warar madax banaan oo xaqiijinaya ama beeninaya eedeyntan.

Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ayaa mudooyinkan waxay dagaalo ku dhexmarayeen tuulooyinkan lagu muransan yahay oo ku teedsan xadka labada maamul, dad badan oo ka tirsan labada dhinac ayaana lagu dilay dagaaladan oo aan weli xal kama dambeys ah loo helin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -