Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxay Ra’iisul Wasaare Rooble & wafdigiisa ku soo arkeen dekeda Kismaayo? (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo uu wehliyo madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kormeeray dekadda Kismaayo iyo sida ay u socdaan  howlaha dekadda & qeybaha ay ka kooban tahay.

Booqqshada ayaa waxaa sidoo kale goob joog u ahaa Wasiiro ka tirsan Xukuumadda sida Wasiirka Dekadadaha, Maaliyadda, Qorsheynta, Difaaca, Waxbarashada iyo kuwa kale.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha oo saaka gaaray magaalada Kismaayo ayaa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyey Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan, Madaxda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ujeedka socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ee Jubbaland ayaa la sheegay inuu la xiriiro arrimaha hirgelinta doorashooyinka, dib u heshiisiinta, Nabadgelyada iyo horumarinta. Isagoo dhagax dhigi doona mashaariic horumarineed oo wax tar u leh bulshada, kuwaasoo dowladdu ka hirgelinayso Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Dowlada Somalia oo war ka soo saartay dagaalka ka socda Baydhabo

Caydiid Ali

Madaxweyne caan ah oo Isbitaalka ku booqday bukaano la ildaran Coronavirus (Sawirro)

Caydiid Ali

Taliska NISA oo u yeeray Masuuliyiinta qaar ka mid ah Idaacadaha Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---