Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaan Axmed Taajir oo Xabsiga laga sii daayay iyo Faah faahino kasoo baxaya…

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xaruna KMG ee maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in xabsi ay lahaayeen Ciidanka Nabad sugida Jubbaland laga sii daayay Xildhibaan katirsanaa Baarlamaanka Jubbaland.

Xildhibaanka Xabsiga laga sii daayay ayaa dhawaan laga qaaday Xasaanada Xildhibaanimo ,waxaana xabsiga dhigay Xildhibaano katirsan Maamulka Jubbaland kadib markii lagu eedeeyay maamul dumis iyo Been abuur.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Xildhibaanka la sii daayay kadib markii ciidamo hubeesan oo ku beel ah magaalada qeybo kamid ah maanta buux dhaafiyeen, waxaana jirtay cabsi laga qabay in rabshado magaalada ka dhacaan.

Waxaa sidoo kale soo baxaya in Safiirka dowlada Britain u fadhiya Soomaaliya oo shalay tagay magaalada Kismaayo ka codsaday Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe in xabsiga kasii daayo Axmed Taajir oo Soomaali British ah .

Magaalada Kismaayo maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka taagneyd xiisad ka dhalatay xariga Xildhibaankan katirsanaa Baarlamaanka maamulka Jubbalabd loogu geestay magaalada Kismaayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muwaadiniinta reer Britain ee ku nool dalka Itoobiya oo digniino adag loo jeediyey

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Isaias Afwerki socodna ku maray magaalada Asmara (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Puntin oo hadiyad yaab leh gudoonsiiyey Boqorka Sacuudiga (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---