Falastiini hubeysan oo dad Yuhuud ku dilay Daanta Galbeed iyo xiisad ka dhalatay

Nin Falastiini ah oo hubaysan ayaa dilay 2 qof oo deganaa Daanta Galbeed, sida ay sheegeen saraakiisha Israel

Falastiiniga ayaa laba qof oo Yuhuudi ah kala degay baabuurka dibna ku dilay Daanta Galbeed ee la haysto, sida ay sheegeen saraakiisha Israa’iil.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dhacdadan oo qeyb ka ah rabshado iyo iska horimaad ka dhacay goobaha la heysto.

Waxay dhacdada ku soo aadeysaa xili kulan heer sare ah oo looga hadlayo dhanka ammaanka oo u dhaxeeya mas’uuliyiinta Israa’iil iyo Falastiiniyiintauu ka furmay dalka Urdun, si loo soo celiyo xasiloonida ka dib markii ay bateen rabshado lagu hoobtay oo dhex maray labada dhinac maalmihii lasoo dhaafay.

Waxaa sidoo kale halkaas ku sugan wakiilo ka socda Maraykanka iyo Masar. Waa markii ugu horeysay oo labada dhinac kulan heerkan ah yeeshaan sannado badan.

Wadahadalladan la qorsheeyay ayaa imaanaya maalmo kadib markii ciidamada Israa’iil ay weerar ku qaadeen magaalada Nablus ee daanta galbeed ee la haysto, halkaasoo ay ku dileen 11 falastiiniyiin ah.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ka soo xigatay sarkaal aan la magacaabin oo u dhashay dalka Urdun kaas oo sheegaya in “kulankan oo kale uusan dhicin muddo sanado ah, waa guul weyn in la isu keeno.”ayuu yiri

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -