Ciidanka ATMIS oo war ka soo saaray shil dayuuradeed oo ka dhacay Bali-dogle

Ciidamada ATMIS ayaa war ka soo saaray dayuurad nooca qunaatiga u kaca ah (Helicobter) oo shalay si lama filaan ah ugu burburtay garoonka dayuuradaha Bali doogle.

Waxaa shilkaas ku dhintay askar ka tirsan ciidamada Danab oo halkaas ay ku tababaraan saraakiil ka tirsan ciidamada Mareykanka ee saldhigaas degan

“Diyaarad nooca ATMIS-ta ah oo ku howlaneyd tababar si wada jir ah loogu tababarayay daad gureynta dhaawacyada (CASEVAC) oo ay la socdeen saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka ayaa shalay ku burburtay deegaanka Balidoogle ee gobolka Shabeellaha Hoose” ayaa lagu yiru qoraalka ATMIS.

“Saddex ka mid ah kow iyo tobankii askari ee saarnaa diyaaradda ayaa naftooda ku waayay. Siddeed sarkaal oo dhaawac ah ayaa loo soo daad gureeyay magaalada Muqdisho si gurmad caafimaad loogu sameeyo” ayaa sidoo kale war- saxaafadeedka.

Wakiilka Midowga Afrika ee Somalia Ambassador Mohamed El-Amine Souef, ayaa u tacsiyeeyay qoysaska dadkii dhintay, wuxuuna u rajeeyay saraakiishii dhaawacantay bogsasho degdeg ah.

Waxaa socda baaritaano lagu ogaanayo waxa sababay shilkan sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Ciidamada ATMIS.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -