Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

DEG DEG: Qarax ismiidaamin ah oo goor dhow ka dhacay Magaalada Muqdisho

Qarax weyn ayaa goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo jugtiisa laga maqlay meelo badan.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan uu ka dhacay agagaarka dugsiga tababarka ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ee Janaraal Kaahiye oo ku yaalla degmada Xamar Jajab.

Qaraxan ayaa sidoo kale la sheegayaa inuu ahaa mid is-miidaamin ah oo uu fuliyey ruux isku soo xiray walxaha qarxa, isagoo isku qarxiyey maqaahi halkaas ku taalla oo dad badan ay joogeen.

Weli faahfaahin lagama hayo cida lala beegsaday iyo khasaaraha ka dhashay qaraxan, waxaana goobta uu ka dhacay xiray ciidamada amaanka DF.

La soco wixii soo kordha

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dal Afrikaan ah oo dhaqaale lagula dagaalamo Coronavirus ugu deeqay China

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade

Wararkii u dambeeyey qaraxii ismiidaaminta ahaa ee lala beegsaday Maqaahida (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---