Dowlad Carbeed oo hawada dalkeeda u fasaxay in ay dul maraan Diyaaradaha laga leeyahay Israil.

Waddanka Oman ayaa noqday dalkii ugu dambeeyey ee Carbeed oo Hawadooda u fasaxa Duullimaadka Diyaaradaha Rayidka ee Israel.

Dalka Oman waxa uu qaaday Tallaabadii ay Sacuudiga horey ugu fasaxeen Diyaaradaha Israel inay adeegsan karaan Hawadooda (Airspace), xilli ay Xildhibaanada Barlamaanka dalka Oman horey ugu codeeyeen in la ballaariyo Sharciga Qaadacaada israel.

Qoraal Twitter-ka Hay’adda Duullimaadka Rayidka ee dalka Saldanada Oman lagu soo qoray  ayaa lagu sheegay in Hawada dalkooda u fasaxay yihiin dhamaan Diyaaradaha Rakaabka ee Israel ee soo bixiya shuruudaha Hawo-marista.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Israel, Eli Kohen waxa uu soo dhaweeyey Go’aankaasi, kuna tilmaamay Qaraar Taariikhi ah oo muhiim u ah Dhaqaalaha iyo Dhoofayaasha Israel .

Isticmaalka Diyaaradaha Israel ee Hawada dalalka Oman iyo Sacuudiga waxay muddo 2 saacadood soo gaabinaysaa muddada ay horey ugu duulin jireen qaar ka mid ah dalalka Qaaradda Asia.

Shirkadaha Diyaaradaha Israel ee kala ah El Al iyo Arkia waxay haatan awoodi karaan dalabyo badan ee Duullimaadyada Tooska (more direct flights) ee dalalka ay ka mid yihiin India, Thailand iyo Australia.

Si kastaba, Go’aanka ay Dowladda Oman ugu fasaxday Hawadooda Diyaaradaha Israel waxay timid wax ka yar 6 bilood markii ay Dowladda Sacuudiga u fasaxday Diyaaradaha Israel inay Hawadooda adeegsan karaan ama dul-mari karaan.

Horey, Dowladaha Imaaraadka Carabta iyo Sudan ayaa qaatay Go’aanka ay Diyaaradaha Rayidka Israel ku adeegsan karaan Hawadooda.

Dowladda Imaaraadka Carabta waxay caadiyeysay Xiriirka Diblomaasiyadeed ee Israel sanadkii 2020-kii, waxayna isdhaafsadeen Danjirayaal.

W/T Ustaad Nuradin

- Advertisement -