QM oo laga dalbaday inay hakiso go’aanka Maxkmada ICJ ee dacwada badda Somalia & Kenya

David Matsanga, oo ah Gudomiyaha Pan African Forum oo ka shaqeeysa xalinta khilaafadka Africa ayaa dalbaday in la hakiyo ku dhawaaqida go’aanka Maxkamada ICJ ee dacwada badda Somalia ee Kenya sheeganeyso.

Qoraal ah uu u diray Xoghayaha Guud ee QM Antonio Guterres ayuu David Matsanga soo jeediyay in QM ay soo faragaliso go’aanka ay maxkamada ICJ ku dhawaaqi doonto 12ka October kaasoo ku saabsan milkiyada muran biyeedka u dhaxeeya Somalia iyo Kenya.

David Matsanga waa siyaasi khabiirna ku ah arimaha xalinta khilaafadka waxa uu sheegay in khatar weyn ay ka dhalan karto ku dhawaaqista goaanka ICJ waxaana uu sameeyn doona ayuu yiri xasiloonida iyo deganaanshiyaha geeska Africa.

Maxkamada Caddaalada aduunka ayaa la filayaa inay 12ka bishan go’aanka ay dacwada badda ee Somalia iyo Kenya u dhaxeysa ay ka qaadatay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -