Al Shabaab oo sheegatay Masuuliyada Doon ay la socdeen Ciidanka dowlada oo rogmatay

Doon ay la socdeen ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya gaar ahaan guutada 14-ka October ayaa habeen hore ku rogmatay meel dhanka bari kaga beegan Xeebta magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.

Doontan rogmatay ayaa waxaa la socday saraakiil iyo ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya, waxaana lasoo bad baadiyay inta badan ciidankii doonta la socday marka laga reebo sadex askari oo nolol iyo geeri lagu la’aa.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in doontan ay la socdeen ciidanka milatariga ku weerareen gudaha badda, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in doonta la heleen qorayga loo yaqaan baasuukaha.

“Mujaahidiinta ayaa weerar Kamiin ah badda gunteeda ugu dhigay ciidamo katirsan dowlada xiili ay Doon ku safrayeen Alle fadligiis waxaa suurtagashay in Baasuukayaal ay lahelaan doonta taas oo sababtay in ay rogmato” ayaa lagu yiri warka  Al Shabaab.

Al Shabaab ayaa sheegtay in doontaasi rogmatay ay ku dhinteen afar askari oo katirsanaa ciidanka milatariga ,halka sidoo kale sheegeen in lasoo bad baadiyay saraakiil iyo ciidamo kale oo doonta la socday.

Taliska milatariga Soomaaliya ayaan ka hadlin warkan kasoo baxay Al Shabaab ee ku aadan in iyagu weerareen doonta ku degtay magaalada Marka xeebteeda, mana jiro ilo madax banaan oo warkan xaqiijiyay.

Ciidamada dowlada ee ku sugan Marka ayaa saanadaha ay u baahan yihiin loogu geeyaa doonyo maadaama magaalada ay ku jirto go’doon, laman aoga in weerarkan Al Shababa sheegatay saameyn ku yeelan karo socdaalka dhinaca Badda ee Muqdisho iyo Marka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -