Xarun ay laheyd Shirkadda Hormuud oo la gubay (Daawo Sawirada)

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Kenya ayaa mar kale gubay xarun ay laheyd Shirkadda Isgaarsiinta Soomaaliyeed ee Hormuud.

Ciidamadaan ka tirsan kuwa Kenya oo kasoo tallaabay xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya ayaa Xalay qaraxyo loo adeegsaday Miinooyin ku burburiyey xaruntii Shirkadda Hormuud ee Tuulada Calibuley oo 30KM dhanka waqooyi uga beegan Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubada Hoose.

Isgaarsiinta deegaanka ayaa weli hawada ka maqan iyadoo Shacabka halkaas ku nool siin jirtay adeegyo kala duwan oo isugu jiray Isgaarsiin iyo adeegga EVC Plus oo muhiim u ah nolosha dadka halkaas ku nool.

Dhawaan ayey aheyd markii Saamileyda Shirkadda Hormuud ay kulan deg deg ah ka yeesheen  dhibaatada ay ciidamada Kenya ku hayaan ganacsigooda iyagoo Dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay arrintaas wax ka qabato.

Ma jirto tallaabo muuqato ama isla xisaabtan ay dowladda Soomaaliya kala yeelatay dowladda Kenya maadaama ciidamadooda ay kamid yihiin howlgalka Midowga Africa ee AMISOM.

Ilaa hadda si rasmi ah looma oga sababta keentay inay Ciidamada Kenya ugaarsadaan xarumaha Shirkadaha Isgaarsiinta, waxaase dadka falanqeeya arrimaha geeska Africa ay sheegayaan in Kenya dooneyso in ay dhulka ku teedsan xudduudda labada waddan ka dhigto Lama degaan.

Ciidamada Kenya ayaa horey u gubay Xarumo ay laheyd shirkadda Hormuud Telecom oo ay kamid ahaayeen Ceelbaande, Dhamase, Khadiijo Xaaji , Dhegalaab iyo Dhuuntow oo ku wada tirsan Gobolka Gedo, waxayna xaruntaan hadda la gubay noqoneysaa middii lixaad oo ay ciidamada Kenya si bareer ah u gubaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -