R/W Khayre Oo la Kulmay Wafdi Uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea (Daawo Sawirada)

Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali khayre ayaa la kulmay wasiirka arrimaha dibadda Eritrea Osman Saleh iyo la taliyaha madaxweynaha Yemane Gebreab oo Muqdisho u yimid wadahadallo heerkoodu sareeyo kadib booqashadii bishii July uu madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ku tegay magaalada Asmara.

Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Osman Saleh ayaa ka wada hadlay adkaynta xariirka labada dawladood, hir-gelinta heshiisyadii madaxweynayaasha labada dal ay wada saxiixdeen, Iskaashiga xasiloonida iyo horumarinta dhaqaalaha Gobalka geeska Afrika.

Wasiirka arrimaha dibadda Eritrea Osman Saleh ayaa uga mahad-celiyay madaxda dawladda Soomaaliya sida wanaagsan ee Muqdisho loogu soo dhaweeyay wafdiga uu hoggaaminayo, waxa uuna sidoo kale ku bogaadiyay madaxda Qaranka horumarka ballaaran ee dalku ku tilaabsay.

Dhammaadkii Bishii Julay ee sannadkaan ayaa madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Eretea waxa ay Asmara ku kala saxiixdeen heshiis dhigaya in labada dal ay ku dadaalaan sidii ay u samaysan lahaayeen iskaashi taabanaya dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, arrimaha bulshada, dhaqanka, difaaca iyo amniga, in la yagleelo xiriir diblomaasiyadeed la is dhaafsado danjireyaal, in sare loo qaado ganacsiga iyo maalgashiga dhexdooda ah, in la iswaydaarsado fursadaha la xiriira waxbarashada iyo dhaqanka iyo in si wadajir ah uga hawlgalaan sidii loo horumarin lahaa nabadgelyada, xasilloonida iyo isdhexgalka dhaqaale ee gobolka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -