Injineer u dhashay dalka Turkiga oo lagu dilay Qarax ka dhacay Muqdisho

Qarax duhurnimadii maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho caasimada Somalia ayaa waxaa ku geeriyooday nin injineer ah oo u dhashay dalka Turkiga.

Qaraxan ayaa ka dhacay agagaarka isgoyska mashquulka badan ee Km-4 ee magaalada Muqdisho ka dib markii uu qarxay gaari qarax lagu soo dhejiyey oo uu watay injineerka geeriyooday.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxan uu markii hore ku dhaawacmay Injineerkan isla markaana loola cararay goobaha Caafimaadka halkaasoo uu markii dambe ku geeriyooday.

Ma jirto weli cid sheegatay qaraxa lagu dilay Injineerkan balse falalka noocan ah ayaa looga bartay kooxda Al-shabaab.

Sidoo kale, Safaarada Turkigu ku leeyahay magaalada Muqdisho ayaan illaa hadda wax war ah ka soo saarin falkan lagu dilay mid ka mid ah muwaadiniintooda ku sugan Muqdisho.

Qaraxan ayaa noqonayo kii ugu horeeyey ee Muqdisho ka dhaca tan iyo markii la guda galay bisha Ramadaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -