Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Faahfaahin: Dhulgariir kale oo ka dhacay Gobolka Hatay ee dalka Turkiga(Sawirro)

Dhulgariir kale oo Halbeegiisu ahaa 5.0 Richter Scale ayaa ka dhacay Gobalka Hatay ee dalka Turkiga, waxaana dhul-gariirka ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur.

Hay’adda Turkiga ugu qaabilsan Masiibooyinka iyo Maaraynta (AFAD) ayaa sheegtay inuu xuddunta Dhul-gariirka ahaa Degmadda Defne ee dalkaasi.

Guddoomiyaha Gobolka Hatay, Rahmi Doğan ayaa sheegay in dhowr Dhismo oo horey burbur uga soo gaaray Dhul-gariirkii hore inay ku hoobteen Dhul-gariirka xalay dhacay.

Rahmi Doğan waxaa uu xusay inaysan jirin wax dhaawacyo ama dad ku xanibmay burburka Dhismayaasha,  iyadoo inta badan dadka laga daad-gureeyey Deegaanka.

Talaadadii la soo dhaafay,  6 qof ayaa ku geeriyootay, kadib, markii labo Dhul-gariir oo  Halbeegoodu kala ahaa 6.4 iyo 5.8 Richter Scale ka dhaceen Degmooyinka Defne iyo Samandağ ee Gobalka Hatay.

Bishan February 6-dii,  Dhul-gariir ka dhacay 11 Gobal oo ka ku yaalla Koonfurta dalkaasi ayaa waxa ku dhintay in ka badan 43,500 oo qof  sida ay baahisay Hay’adda Turkiye ugu qaabilsan Masiibooyinka iyo Maaraynta Gurmadka ee AFAD.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Isra’il oo xoog kula wareegay Doonta Madeleine ee Qasa u socotay

Cabdi Cade

(Sawirro) DF oo ciidamo hor leh ka duulisay Muqdisho & Xog ku aadan halka ay ku sii jeedaan

Caydiid Ali

Israa’iil oo wareejisay Meydadka 80-qof oo Falastiiniyiin ay dileen

Cabdi Cade
Taboola Ads ---