Dayuurado duqeeyey goobo shidaalka laga soo saaro oo ku yaalla Sacuudiga

Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay in dayuurado Drones ah (nooca aan duuliyaha lahayn) oo sida walxaha qarxa ay maanta weerar ku qaadeen goobo saliidda laga soo saaro oo ku yaalla magaalada Riyadh.

Wasiirka Tamarta Sacuudiga ayaa sheegay in weerarkan oo lagu qaaday laba goobood oo saliidda laga soo saaro uusan gaysan waxyeelo badan balse uu hakad geliyey saliid soo saaristii.

Khalid Al-Falih ayaa war ay baahisay warbaahinta dowladda ku sheegay in weeraradan ay halis ku yihiin qeybinta saliida caalamka, isla markaana loo baahan yahay in laga hortago aragagixisada ka dambeysay ficilladan” oo ay ku jiraan kooxah Xuutiyiinta dalka Yemen ee Iran ay taageerto.

Talefishinta Xuutiyiinta ee Masirah ayaa sarkaal milatari ka soo xigtay in Xuutiyiinya ay weerar ku qaadeen goobo muhiim ah oo ku yaalla Sacuudiga.

Isbahaysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo iyo Xuutiyiinta ayaa muddo afar sano ah ku dagaalamaya dalka Yemen.

Weerarka maanta ayaa yimid maalin kadib markii Sacuudi Carabiya ay sheegtay in laba ka mid ah maraakiibteeda saliidda qaada ay waxyeello xooggan kasoo gaartay weerar arbushaad ah oo axaddii loogu gaystay xeebta Imaaraadka Carabta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -