Nolosha dadka Muqdisho oo u qeyb santay Dabaqad Sare iyo Dabaqad Hoose !!

Baaritaan aan ku sameeyey Nolosha dadka Magaalada Muqdisho nool   waxay Maanta Qarka u saran yihiin  in Dadka ay u kala baxaan Dabaqad Sare iyo Dabaqad Hoose , Dad baa Sadexda Waqti  iyo Dheeraad wax Cuna weliba  Raashinkoodu waa mid  aad u sareeya , waxayna Magaalada Muqdisho ka dhisteen Guryo Dabaqyo ka sameysan, halka  Dabaqada Dadka Hoose ay Maalinkii Hal Waqti wax Cunaan taasoo u dhiganta Hal Doolar waa Hadii ay helaan.

 Dadka Maanta ugu Liita waa dadka Degen guryaha Cowshadaha ka sameysan  ama Barkacayaasha, waxaana Dadkaas ku biirey Dad Hore wax u haystey oo maanta fara maran hadana kari waayey Kiradii Guryaha Magaalada Muqdisho, waxayna intooda badan Degen yihiin Duleedka Magaalada Muqdisho , waxay Dadkaan ay Nolosha ka joogaan dabaqada Hoose, waxayna Noloshooda ku tiirsan tahay maalinkii waxa ay Magaalada Muqdisho ka helaan walibana waa dadka Cuna raashinka Dalka oo maalmaan aad Khaali ku noqdey ka dib markii ay ku soo jabeen Dadka Nololshooda meel Dhexaadka  ahayd.

 Inkastoo aan Dadka u kala saarey Laba Qaybood hadana waxaa jira koox Sadexaad oo u dhaxeeya dabaqada sare iyo Dabaqada Hoose waxay iyana Magaalaad Muqdisho kaga Nool Yihiin  Guryaha Bac weynayaasha la yiraahdo waa Jiikad Waqtiyadaan dabe Dalka la keeney waana Jiikad aad u  adag waxay Midibkeedu isugu jiraan Gaduud ,Baluug iyo Cagaar  waana kuwa marka ay Wax Helaan Laba Jeer Wax Cuna.

Faadumo waa Hooyo Soomaaliyeed oo waagii hore Noloshooda meel Dhexaad bay ahayd maanta Gurigii ay ku lahaayeen Magaalada Muqdisho waa ay kireysteen si ay Lacagta ay ka helaan Kirada Guriga  ay nolshooda ugu Dabaraan waxayna degeen Banaanka Magaalada Muqdisho  oo ay ka Kireysteen Guri aad Raqiis (Jiingad).

Dhacdooyinka aan aadka ula yaabey waxaa ka mid ahaa   Haweeney Haysta Caruur Agoon ahaa ayaa waxay Tir markii ay Taleefoon ii soo dirtey “ ilmihii maanta dab looma Shidin” inta aad u naxay ayaa waxaa u Tuurey Laba doolar oo markaas iigu jirtey ka dib maxaa Dhacay “ Duco ayey Afka Furatey, ku dhawaad muddo ayey Taleefanka ku jirtey oo Duco Wadey” inteysan ka bixi Talefoonka ayaa waxaa ku iri “ Ma anigaa wax Fiican ku siiyey “ Markaas bay tiri “Labada Doolar waa  na deeqaa  waana naga badan tahay “ Markaas baa ilin igu soo istaagtey marka waxaan dhihi lahaa war halka Doolar ama labada Doolar yaan dadka laga Bakhiilin wax bay ugu Goysaaye.

Sidoo kale Dhacdooyinka  ee aan aad ula yaabey  waxaa ka mid ah Qof baa Masaajid ka istaagaya waxaan u leeyahay “Waxaan u baahanahay 120 Doolar si aan Dhaqtar ugu Geeyo Haweeneydiisa  ama xaaskiisa oo  Xanuunsan” inta la is Fiiri Fiiriyo ayaa waxaa arkeysaa iyadoo dadka qaar dhiibayaan Kun Shlilin, Marka la isku daro Lacagta uu ka heley Jamaacada waa 20 Kun Shilin Soomaali oo ka yar Hal Dolar marka waa Kaaf iyo Kala Dheeri  waxa uu Codsadey iyo wax la siiyey, marka Dadka Ilaahey deeqda siiyey in ay  Dib isugu laabtaan Dadka Dhibaateysan il Naxariis leh ku Fiiriyaan.

Isku soo duubo Dad maanta wax heysta ee Ilaah wax siiyey isla markaana  Sadex jeer laba Canleeya  waxaa dhihi lahaa “ Ilaah ka Baqa Muslinimada Fiiriya  sidoo kale  fiiriya   Dadka Qaraabada ah, Dariska iyo kuwa Masaakinta  oo aan ogahay maanta Duruufaha ay ku Nool yihiin hadii aan gargaarka Alle imaan waxaa muuqta in dadka Muqdisho u kala Baxi doonaan Dabaqad sare iyo Dabaqad Hoose sidaa darteed Ilaah waa idiin  weydiin doonaa Hantida aad Haysataa, Dhaylada iyo Digaaga aad Cuneysaan, Dabaqyada aad isa saarateen ee Qaboojiyaha ku jira  oo aan ogahay Dabaqyadaas  in intooda badan aan maanta  la degeneyn iyo Gawaarida Raaxada ah ee aan Karin Xabadda aad wadataan, ogaada dad baa  Bushash  Jiifa oo Dhaxan Qabow iyo Kuleyl  uu diley welibana Baahi ugu darsantey, waxaa Jira kuwa Darbiga Jiifa  oo habeenkaas Qadey

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail:amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail:amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Tel 00252615532494

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -