Tirada Ciidamada iyo Shacabka ku geeriyooday Dhul-gariirkii ka dhacay Turkiga oo la Shaaciyay

Wasiirka Difaaca ee dalka Türkiye , Hulusi Akar ayaa shalay oo Arbaco ahayd sheegay inay 100 Askar ku dhinteen Dhul-gariiraradii bishan 6-dii ka dhacay dalkaasi, 66 kalena ku dhaawacmeen, halka 2 kalena lagu la’ yahay Raqdooda iyo Ruuxooda.

Wasiirka oo Waraysi siiyey Telefishinka Haberturk TV waxa uu xusay inay 100 Askari ay Naftooda ku waayeen Masiibadaasi Dabiiciga ah.

Wasiirka oo booqday Gobalka Hatay waxa uu tilmaamay inay socdaan dadaal lagu raadinayo labada Askari ee la la’ yahay, iyadoo lala kaaahanayo Qoysaskooda, si loo qaado Tijaabo dhanka Hiddo-sidaha DNA.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Türkiye, Süleyman Soylu waxa uu ka hadlay Tirada Kama-dambaysta ee dadkii ku dhintay Dhul-gariirkii bishan 6-dii ka dhacay K/bari ee dalkaasi.

Wasiirka waxa uu tilmaamay inay 43,556 qof ku dhinteen labadii Dhul-gariir ee ka dhacay 11 Gobal oo ka tirsan dalkaasi.

Mar sii horeysay, Wasiir Süleyman Soylu waxa uu la kulmay Wasiirada Difaaca iyo Caafimaadka, Hulusi Akar iyo Fahrettin Koca iyo Taliyaha Guud ee Milliteriga Türkiye, Gen. Yaşar Güler.

Sidoo kale, dadkii ku barakacay Dhul-gariirkii ayaa waxaa loo sameeyey Teendhooyin oo laga kala dhisay Goballadda:

Gobalka Hatay 69,766 Teendho,

Gobalka Kahramanmaraş 66,685 Teendho,

Gobalka Gaziantep 48,670 Teendho,

Gobalka Adiyam 45,852 Teendho,

Gobalka Malatya 15,380 Teendho,

Gobalka Adana 17,515 Teendho,

Gobalka Şanlıurfa 8,938 Teendho,

Gobalka Osmaniye 7,170 Teendho,

Gobalka Diyarbakir 6,328 Teendho,

Gobalka Kilis 3,605 Teendho

W/T Ustaad Nuradin

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -