Baaq cajiib ah oo loo diray siyaasiyiinta iyo dadka kale ee lacagaha ka xada Kenya

Dalka Kenya waxaa ka jira musuqmaasuq xargaha goostay iyo xadida xowlo dadweyne, taas oo gaartay heer dowladda ay wax ka qaban weyso, waxaana hadda dowladda dadkaasi xatooyada sameeya u dirtay baaq wax tar leh.

Hanti dhawraha guud ee dalka Kenya, Nancy Gathungu ayaa ugu baaqday siyaasiyiinta iyo dadka kale ee xatooyada sameeya in lacagaha ay helaan ku maal-gashadaan dalkooda, badalkii ay dalal shisheeye ula carari lahaayeen.

Waxa ay sheegtay hanti dhowraha Kenya in lacagaha la xado inta badan dadka ula baxaan dalka dibadiisa, waxa ayna xustay in ay wannaagsan tahay in lacagahaasi lagu maal-galiyo dalka, halka waddamo kale loola carari lahaa.

Hadalkan kasoo yeeray hanti dhowraha Kenya ayaana hadal heyn badan ka abuurtay baraha bulshada, dadka qaar ayaana soo dhaweeyay hadalkan, halka dadka qaarna layaabeen haddiiba la ogyahay dadka lacagaha xadayada sababta aan wax looga qabaneyn.

Bangiga Adduunka ayaa horey ugu qiyaasay lacag gaareysa $2.6bn in dadka ugu sarreeya ee xukunka Kenya haya inay dhigteen bagiyo ku yaalla dalka dibaddiisa, kuwaasoo ka macaashay hantida dadweynaha, sidoo kale sameeyay xatooyo iyo musuqmaasuq.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -