Allbanaadir.com
NEWS

Gurigii ay Gaalkacyo ka degnaayeen Xerta Wadaadkii Al Shabaab dileen oo lala wareegay (Sawirro)

Maamulka Galmudug ayaa maanta si buuxda ula wareegay gurigii hooyooyinka ee kuyaalay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo, gurigan ayaana sanadihii ugu dambeeyay waxaa degnaa xertii Wadaadkii la dilay ee Cabdiweli Sheekh Cali Cilmi Yare.

Wasiirka amniga maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi iyo masuuliyiin kale oo la socotay ayaa kormeer ku tagay gurigan maanta la wareegeen maamulka Koonfurta Gaalkacyo si iyana ugu sii wareejiyeen Ururada haweenka oo loo dhisay.

Masuuliyiin katirsan maamulka Gaalkacyo oo ka hadlay la wareegitaanka gurigan ayaa sheegay in dhibaato badan uu ku hayay gurigan, waxa ayna sheegeen in guul tahay in maanto dib ula wareegaan si hooyooyinkii loogu tala galay iyana loogu wareejiyo.

Gurigan maanta maamulka Galmuug dib ula wareegay ayaa la sheegay in ay degnaayeen xertii Wadaadkii Al shabaab weerarka ku dileen Cabdiweli Sheekh Cilmi, waxaana gurigan lagu qaban jiray waxyaabo aysan raali ka aheyn bulshada Gaalkacyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia oo qalab Caafimaad u dirtay Somaliland & Puntland (Sawirro)

Caydiid Ali

Aadan Madoobe oo arrimo muhiim ah kala hadlay Wakiillo katirsan beesha Caalamka (Sawirro)

Cabdi Cade

Siyaasiga Caanka ah ee Nigel Farage oo caalamka ugu baaqay in ay aqoonsadaan Somaliland

Cabdi Cade
Taboola Ads ---