Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Al-Shabaab oo Muwaadiniin Kenyan ah ka soo qafaashay agagaarka Gaarisa

Baaritaan lagu raadinayo labo ruux oo la rumeysan yahay inay afduub u geysteen rag loo maleynayo al-Shabaab ayaa ka socda nawaaxiga magaalada Gaarisa ee gobolka Woqooyi bari Kenya.

Abdullahi Isack Harun iyo Abdi Hassan Ilkacase ayaa lagu kala sheegay magacyada ragga la afduubtay sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan Booliska.

“Raggan waxay doonyo ku aadeen Liboi laakiin markii ay soo gaareen Wardeglo Dam, ayaa waxaa weerar ku soo qaaday rag loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, waxaana loo malaynaya loo soo kaxeeyay Soomaaliya” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Booliska oo saxaafada la hadlay.

Dhacdadan ayaa ku soo aaday xili dhawaan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen dad la sheegay inay Kenyan ahaayeen, kuwaasoo ku sugnaa deegaan lagu magacaabo Harbuul 50-Km u jira Magaalada Gaariga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dad ka badan hal Bilyan qof oo maanta lagu qasbay in gurhahooda joogaan !!

Cabdi Cade

Dowlada oo xil ka qaadis iyo Shaqo joojin ku sameeneysa Masuuliyiin iyo saraakiil ciidan

Cabdi Cade

Xamse Barre oo labo arrin ka codsaday Madaxweyne Samia Suluhu Hassan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---