Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Jeer dalka Kenya ku dishay Dalxiise doonayay in uu Sawir ka qaado

Nin dalxiise ah oo u dhashay dalka Shiinaha ayaa ku dhintay dalka Kenya kadib markii ay dishay jeer uu doonayay in uu sawir ka qaado, waxaa sidoo kale dhacdadan ku dhaawacmay nin kale oo Shiinees ah.

Dalxiisahan ay jeerto dishay oo lagu magacaabo Chang Ming Chuang oo 66 jir ah, ayaa la sheegay in isaga iyo nin kale oo la socday ay aad ugu dhawaadeen jeerta si ay sawiro uga qaataan xili ay ku sugnaayeen balliga Navisha ee 90km u jirta magaalada Nairobi.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in labada nin ee u dhashay Shiinaha ee jeertu u geesatay dhaawaca iyo dhimashada  aad ugu dhawaadeen halka ay joogtay jeerta xili ay  ku sugnaayeen meel ku dhow hotel Sopa.

Jeerta ayaa ah xayawaan halis badan oo dadka beegsada, waxaana la sheegaa in sanadkii jeerta Qaarada Afrika kaliya ku disho dad gaaraya 500-qof, Halista jeerta ayaana ah mid sii kordheysa.

Dalka Kenya waxaa sanad kasta taga dalxiisayaal badan oo caalamka ka yimaada, waxaana dalxiisayaasha booqdaan goobaha lagu xanaaneeyo xayawaanaadka si ay usoo daawadaan , waxaana Kenya Dalxiiska sanadkii kasoo gala lacag dhan 1.2 bilyan oo Dollar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Midowga Yurub oo ka hadlay Xad-gudubka Itoobiya garab istaagna u muujiyay Soomaaliya

Cabdi Cade

Nin Caan ah oo hal kaluun ku iibsaday lacag ku dhaw 2-Milyan oo Dollar (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Ciidamo huwan ah oo dagaal kula wareegay Deegaanka Cali Candhoole

Cabdi Cade
Taboola Ads ---