Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamo huwan ah oo dagaal kula wareegay Deegaanka Cali Candhoole

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo garab ka helayay ciidanka deegaanka, ayaa maanta weerar ku qaaday fariisin kooxda Al Shabaab ku laheed deegaanka Cali Candhoole ee kuyaalla duleedka degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Sida aan wararka ku helnay ciidanka huwanta ah iyo kooxda Al Shabaab, ayaa dagaal waxa uu ku dhax maray deegaanka Cali Candhoole, waxa ayna ciidanka markii dambe awood kula wareegeen fariisin kooxda Al Shabaab ku lahaayeen deegaanka Cali Candhoole.

Saraakiisha ciidanka hoggaamineysay, ayaa sheegay in dagaal khasaaro xooggan ku gaarsiiyeen kooxda Al Shabaab ee joogtay deegaanka, waxa ayna ciidamada sheegeen in ay la wareegeen gacan ku heynta fariisinkii Al Shabaab joogeen.

Ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ee ku sugan degmada Ceeldheer, ayaa marar qaar fuliya howlgallo ka dhan ah kooxda Al Shabaab, waxa ayna ciidamada howlgallada kaddib dib ugu soo laabtaan fariisimihii ay markii hore ka baxeen.

 

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii ugu dambeeyey dagaal dhimasho geystay oo Maalintii labaad ka socda..

Caydiid Ali

Xarunta Sare ee Luuqadaha iyo tababarada oo Muqdisho laga daahfuray (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Farmaajo oo ka hadlay ciidanka Eritreya ku maqan & sababta loo soo celin waayey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---