Ra’isul Wasaare Kheyre oo Digniin adag u diray Wasiirada iyo Masuuliyiinta kale ee dowlada

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Golaha Wasiirada iyo masuuliyiita kale ee dowlada katirsan uga digay in ay sameeyaan Musuq maasuq iyo wax isdaba marin.

Kheyre ayaa cadeeyay Xubnaha Wasiirada iyo kuwa kale ee dowlada katirsan ee ku fekeraya in ay Musuq maasuq sameeyaan aysan usuurto galeyn, waxa uuna xusay in markan dowlada ka go’an tahay la dagaalanka Musuq maasuqa.

Waxa uu sheegay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya qofkii lagu helaa Musuq maasuq iyo ku takri fal ha ahaado wasiir ama ha ahaado masuul kale in laga qaadi doono tilaabo sharciga waafaqsan.

“Ma yeeleyno in dalkaan musuq maasuq lagu dhaqo, waxaan rabaa in aan halkaan farriin uga dirno qof waliba oo Soomaaliyeed ama Wasiir ahaaw ama ruux kale ahaaw oo xil uga hayo dowladda, oo ku fekerayo inuu ka shaqeeyo lunsashada hantida Qaranka oo ku fekeraayo musuq maasuq inuu sameeyo, waxaan kuu sheegaa inaadan calfan doonin.” Ayuu yiri Ra’isul Wasaare Khayre.

Hadalkan kasoo baxay Kheyre ayaa kusoo aadaya xili dhawaan uu xilka ka qaaday Wasiir kuxigeenka Arimaha Dibadda Soomaaliya oo lagu eedeeyay Musuq maasuq, waxa ay sidoo kale dowlada horey u xirtay masuuliyiin lagu eedeeyay musuq maasuq.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -