Wasiirka Arimaha Dibadda Eritrea iyo Wafdi uu hogaaminayo oo soo gaaray Muqdisho (Sawirro)

Waxaa goordhaw garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo degay Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Eritrea Cusmaan Saalax.

Wafdigan ka socday dowlada Eritrea waxaa garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo xubno katirsan golaha Wasiirada.

Wasiirka Arimaha Dibadda Eritrea iyo wafdiga la socda ayaa loo galbiyay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya oo la filayo in ay kula kulmaan Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Clai Kheyre iyo Madaxweyne Farmaajo.

Sida aan Wararka ku heleyno wafdigan ayaa hour dhac u ah booqasho la filayo in magaalada Muqdisho ku yimaado Madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki oo casuumad ka helay Madxaweynaha Soomaaliya Farmaajo.

Dhawaan waxaa dalka Eritrea booqasho taariikhi ah ku tagay Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo, waxaana labada dowladood heshiisyo qodobo kala duwan ka koobnaa kusoo kala saxiixdeen magaalada Asmara.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -