Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Booliska DF oo toogtay nin bastoolad ku hubeysan oo dil geysan rabay

Nin hubeysan ayaa la soo sheegayaa in saaka lagu dilay degaanka Garasbaaley ee fuleedka magaalada Muqdisho ka dib markii ay rasaas ku fureen ciidamada amaanka.

Saraakiisha Ciidanka booliska saldhigga degaanka Garasbaaley ayaa sheegay iney saaka toogteen xubin ka tirsanaa Amniyaatka Al-Shabaab oo doonayay inuu dilo askari ka tirsan ciidanka dowladda.

“Isgoyska xaafadda Tabeelaha Sheekh Ibraahim ayaa lagu dilay dhagarqabahaas oo qorsheynayay inuu dilo askari ka tirsan ciidanka aruuriya canshuuraha” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir.

Lama faahfaahin qaabka uu weerarkan u dhacay, hase ahaatee goob joogayaal ku sugan degaanka Garasbaaley ayaa sheegay in meydka ninka hubeysan uu yaallo goobta lagu dilay.

Related posts

Xubno ka socday Booliiska Caalamiga oo soo gaaray Muqdisho lana kulmay Xijaar (Sawirro)

Cabdi Cade

Kheyre “Soomaalida dhibaataa haysato runtaa la isu sheegin, laakiin anaa hada runta idiin sheegaya,

Cabdi Cade

Iran iyo Sweden oo maxaabiis is dhaafsaday iyo dowlad Carbeed oo dhax dhaxaadisay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---