Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Maxaa ka jira in Imaaraadka saldhig ciidan laga siinayo gobolka Guardafu ee Puntland?

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa dhawaan ku wajahan magaalada Dubai ee waddanka Imaaraadka Carabta.

Sarkaal sare oo ka tirsan Madaxtooyada ayaa xaqiijiyay in Siciid Deni uu maalmaha soo socda u safrayo dalkaas Imaaraadka Carabta.

“Waa xaqiiq in Madaxweyne Deni uu dhawaan u safrayo halkaas iyo Dubai balse xog intaas ka baxsan ma heyno” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan Madaxtooyada Garowe.

Safarka Deni ku tagayo Dubai ayaa ku soo beegmaya xilli uu dhawaan sahmin ku soo sameeyay gobolka Guardafui ee dhaca xeebaha fog ee Puntland oo warar soo baxaya sheegayaan in saldhig ciidan laga siinayo Imaaraadka.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa xiriir wanaagsan la leh dowlada Imaaraadka carabta, kaasoo aysan ka warqabin dowlada Soomaaliya, waxaana talaabadan ay ku soo aadeysaa xili dhowaan maamulka Puntland uu sheegay inuu dhaqmayo sidii dowlad madax banaan inta dastuurka dalka laga dhameystirayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wafdi uu horkacayo Madaxweynaha Somaliland oo duulay dalka Imaaraadka Carabta

Caydiid Ali

Imaaraadka oo si deg deg ah uga soo jawaabay Codsigii Ra’isul Wasaare Rooble (Sawirro)

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Siciid Deni oo Odayaasha gobolka Bari ku casuumay Deegaanka Jibigalle

Cabdi Cade