Ruushka oo lagu eedeeyey inuu dambiyo culus ka geystay dalka Ukraine

Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka Kamala Harris ayaa kama dambeys caddeysay in  Ruushku uu galay dambiyo ka dhan ah bani’aadaminimada intii lagu jiray duullaanka sanadka socday ee uu Ukraine ku qaaday

Haris ayaa eedeyntan ka jeedisay Shirka Amniga ee ka socda magaalada Munich ee dalka Jarmalka.

“Xaaladaha falalka Ruushka ee Ukraine waxaan eegnay caddeymaha, waxaan ogaanay halbeegyada sharciga ah oo aan shaki ku jirin, inay jiraan dambiyo ka dhan ah bani’aadaminimada.” ayey tiri Haris

Waxay intaas raacisay “Waxaanan u sheegayaa dhammaan kuwa dambiyadan geystay iyo madaxdooda oo ku daawanaya, in lala xisaabtami doono.”

Hadalka Kamala Harris ayaa yimid xilli ay hogaamiyeyaasha dalalka reer Galbeedku ay ku kulmayaan magaalada Munich ee dalka Jarmalka si ay u qiimeeyaan xasaraddii ugu xumeyd ee Yurub ka dhacda ilaa Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Go’aankan rasmiga ah, kaas oo yimid ka dib eegis xagga sharciga ah oo ay sameysay Wasaaradda Caddaaladda ee Maraykanku, ayaanan wax raad degdeg ah ku keenin doonin dagaalka hadda socda.

Hase yeeshee, Washington ayaa rajeynaysa in arrintan ay kaalin ka geysan karto sii go’doominta madaxweyne Vladimir Putin, isla markaana ay mideyn doonto dadaalada lagula xisaabtamayo xukuumaddiisa, marka ay noqoto maxkamadaha caalamiga ah iyo dhinaca cunaqabateynada.

 

- Advertisement -