Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xassan Shiikh oo ka hadlay muhiimada ay leedahay gurmadka shacabka Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay dadaalka dowladda Fedreaalka iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku doonayaan in ay ugu gurmadaan dadka waxyeeladu kasoo gaartay dhul-gariirkii ka dhacay dalka Turkiga.

Xassan Shiikh ayaa arrintan kaga hadlay khudbad u jeediyay Jamaacada Salaadda Jumcaha ku oogtay Masjidka Madaxtooyada

Madaxweynaha ayaa xusay in dowladda iyo shacabka soomaaliyeed ay saaran tahay mas’uuliyad ka duwan tan dowladaha iyo shucuubaha kale ee dunida kaga aaddan musiibadan.

Waxaa uu ka dalbaday qurba-joogta, ganacsatada iyo guud ahaan muwaadiniinta Soomaaliyeed in aysan u kala harin taakulaynta walaalaha Turkiga ee musiibadu ku habsatay.

Hadalka madaxweynaha ayaa ku soo aday xili Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre uu xalay daah-furay ololaha taakulaynta iyo gurmadka dowladda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee Tukiga, kuwaas oo ay dhibaato baaxad wayni ka soo gaartay dhulgariirkii dhawaan dalkaas ku dhuftay.

Kulan qaaraan loogu ururinayo shacabka iyo walaalaha ee Turkiye uuna soo qabanqaabiyey Gudddiga heer qaran ee Ra’iisul Wasaare Xamse u magacaabay gurmadka Turkiga, ayna ka soo qaybgaleen Wasiiro, ganacsato, culimaa’udiin, madaxda dhaqanka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaarha XFS ayaa madashaas uga yaboohay lacag dhan 1 Milyan oo Dollar oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu deeqayso walaalaha Turkiga, wuxuuna sidoo kale ku guubaabiyey shacabka Soomaaliyeed in ay kaalin firfircoon ka qaatan dadaallada loogu gurmanayo dadka reer Turkiye ee dhibaatadu ku habsatay, isagoo Soomaalida xasuusiyey abaalka ay ku leeyihiin shacabka iyo dowladda Turkiye, sidaas darteedna loo baahan yahay in shacabka, ganacsatada, culimada diinta, duubabka dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshadu ay ka qayb qaatan hawlaha gurmadka deg-degga ah.

Mudane Xamse wuxuu sidoo kale u soo jeediyey madaxda dowlad gobaleedyada inay abaabulaan kulamo looga qaybqaadanayo gurmadka walaalaha Turkiga ee dhibaateysan.

 

Related posts

Puntland oo labo cisho fasaxday goobaha Waxbarashada & sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

Jadwal cusub oo loo sameeyey xiliga ay soconeyso doorashada xubnaha Golaha shacabka

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: R/W Rooble iyo Xasan Sheekh oo arimo muhiim ah kawada hadlay

Cabdi Cade