Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay geerida Marxuum Cumar C/qaadir Baarajab

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada, bahda ciyaaraha iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Xidiggii Kubadda koleyga Marxuum Cumar Cabdiqaadir Barajab oo ku geeriyooday dalka Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuum Cumar Cabdiqaadir Barajab uu ahaa xidig Qaran oo dalkiisa u soo hooyey guulo dhanka ciyaaraha kubadda Koleyga, isaga oo door weyn ka soo qaatay horumarinta ciyaaraha dalka, waxa uuna soo saaray ciyaartooy waxtar u leh Xulka Kubadda Kolayga heer Qaran.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Alle ha u naxariistee Marxuum Cumar Cabdiqaadir Barajab waxa uu ahaa Xidig Qaran oo dadka iyo dalka Soomaaliyeed u soo saftay xilliyo kala duwan, isaga oo ka mid ahaa xidigaha Qarankeenna guulaha u keenay”

Madaxweynaha jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Alle u baryey Marxuumka in uu hoygiisa ka yeello Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna ka siiyo qoyska qaraabada iyo Shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Booliska DF oo soo bandhigay Sawirada iyo Magacyada askar shaqada laga eryey (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidamada Danab oo Howlgal qorsheesan ku dilay Aadan Yuusuf Abuu Salmaan 

Cabdi Cade

Madaxweyne Muuse Biixi oo meesha ka saaray in Somaliland ku biirtay Koonfurta

Cabdi Cade
Taboola Ads ---