Dayax Gacmeed aad ugu dhawaanaya Qoraxda oo hawada sare loo diray (Daawo Sawirada)

Hay’adda Maraykanka u qaabilsan hawada sare ee NASA ayaa hawada  u dirtay Dayax Gacmeed lagu magacaabo Parker Solar Probe, waxaana Dayax gacmeedkan qoraxda u jirsan doono masaafo aan waligeed horay loo gaarin.

Dayax gacmeedkan ayaa laga tuuray xarunta Cape Canaveral gobolka Florida ee dalka Mareykanka, Dayax gacmeedkan waxaa tuuray 3 gantaal oo xoog leh oo ah nooca loo yaqaan Delta-IV.

War kasoo baxay Hay’ada NASA ayaa lagu sheegay in Dayax gacmeedkan la tuuray uu yahay sheygii ugu xawaaraha dheeraa ee ay abid bani’aadanku sameeyaan, dayax gacmeedkaan xawaaraha dheer ayaana si toos ah u abbaari doonaa jihada qorraxda.

Sababaha loo diray dayax gacmeedkan ayaa lagu sheegay in lagu doonayo in lagu ogaado dabeecadaha qorraxda ee muddada dheer la garan la’aa iyo sidoo kale in lagu ogaado sababha keenay qoraxda sida ay Seynisyahano sheegeen.

Dayax gacmeedka ayaa qoraxda u sii socon doonaa lix isbuuc  marka uu sii maro meeraha Venus , Ka dib waxa uu gudaha u sii geli doonaa xeyn daabka qoraxda masaafo dhan ilaa 6.16 malyan km (3.83 million mayl).

Dr Nicky Fox oo ka mid ah saynisyahannada howlgakan fulinaya ayaa sheegtay in masaafada qoraxda loogu dhawaanayo aysan ahayn mid aad ugu sii dhow, balse waxa ay hoosta ka xarriiqday in ay tahay mid aad cajiib u ah.

Dayax gacmeedkan hawada sare loo diray saacaddiiba ku soconayo masaafo dhan 690,000km, waxa uuna Dayax gacmeedkan uu noqday midkii ugu xawaaraha dheeraa ee hawada sare loo diro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -