Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Khudbad uu arrimo Xasaasi ah uga hadlay Jeediyay (Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira booqasho rasmi ah oo uu ku joogo dalka Talyaaniga ayaa Khudbad ka jeediyay kulan dadweyne oo ka dhacay Jamaacada LUISS Guido Carli University ee magaalada Rome.

Madaxweynaha ayaa hadal-jeedintiisa ku dul istaagay xiriirka taariikhiga ah ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Talyaaniga, halganka dowladda iyo shacabka soomaaliyeed ee ciribtirka Al Shabaab, qorshaha dowladda ee wax ka qabashada caqabadaha ka dhashay amni-darrada iyo colaadaha iyo fursadaha Maalgashi ee dalka ka jira.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyay muhiimadda in loo midoobo dabar-goynta kooxda Al Shabaab ah si loo xaqiijiyo duni nabdoon, horumarsan, caddaalad ah isla markaana si siman oo loo dhanyahay u wadaagta fursadaha jira.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’antahay sii xoojinta xiriirka qotadadheer ee labada dowladood iyo labada shacab ee Soomaaliya iyo Talyaaniga iyada oo la iska kaashanayo dhinacyada amniga, xasilloonida iyo abuuridda jawi horumar guud oo dhan walba ah, si waafaqsan Qorshaha Horumarinta Qaranka Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo bogaadiyay Guulo ay gaareen ciidanka milatariga Soomaaliya

Cabdi Cade

Dagaal Khasaaro badan dhaliyay oo Dhax maray xubno ka wada tirsan Al Shabaab & dowladda oo..

Cabdi Cade

Calooshood u shaqeystayaal garab siinayay Khaliifa Haftar oo isaga baxay aaga Dagaalka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---