Allbanaadir.com
NEWSXULKA

Jabhada ONLF oo ku dhawaaqday Xabad joojin iskeed ah 

Jabhada ONLF ee ka dagaalanta dhulka Soomaali Galbeed ee maamusho dowlada Itoobiya ayaa maanta ku dhawaaqday xabad joojin iskeed ah, waxa ayna Jabhadan dowlada Itoobiya dagaalo kula jirtay sanado badan.

Qoraal kasoo baxay Hogaanka Jabhada ONLF ayaa lagu sheegay in xabad joojinta ay ku dhawaaqday ay maanta dhaqan galeyso, waxa ayna Xabad joojintan salka ku heysaa baaqa Nabadeed Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Afhayeenka Jabhada ONLF C/qaadir Xasan Hirmooge (Caddaani) ayaa sheegay in xabad joojintan ay salka ku heyso baaqa nabadeed ee Hogaamiyaha Itoobiya, waxa uuna xusay in xabad joojintan ay maslaxad u tahay dadkooda.

“Baaqa nabadeed ee hogaamiyaha Itoobiya Abiy Axmed, iyo talaabooyinka ay xukuumaddu qaadday ee ay aasaaska ugu dhigayso wadahadallo nabadeed, Waxaan u aragnaa in xabbad joojintu ay dadkeenna maslaxad u tahay” Ayuu yiri Cadaani.

Dowlada Itoobiya ayaan wali ka hadlin xabad joojintan ay ku dhawaaqday Jabhada ONLF ee dagaalka kula jirtay dowlada Itoobiya, waxa ayna Xabad joojintan kusoo aadeysa xili dowlada Itoobiya dhawaan kooxdan ka saartay Liiska Argagaxisada .

 

Related posts

Maraykanka oo shaaciyey inuu duqeyn ku laayey 60 ka tirsan Al-Shabaab

Caydiid Ali

Ra’iisul Wasaarihii hore oo ka digay in la Siyaasadeeyo cudurka Coronavirus

Caydiid Ali

Nin qarax miino aasayay oo la toogtay iyo Booliiska Muqdisho oo war kasoo saaray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---