Qaramada Midoobay oo war cusub ka soo saartay dakhliga soo gala Al-Shabaab

Ururka Al-Shabaab ee Soomaaliya ayaa laga yaabaa in ay kordhiyeen xarumihii ay dakhligooda ka heli jireen inkastoo ay jiraan ololeyaal lagu beegsanayo ilaha dhaqaalaha sida lagu sheegay warbixin cusub oo ay soo saartay Qaramada Midoobay oo lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu madax-xanuun ku noqon karo mintidiinta.

Warbixinta oo si rasmi ah loo shaaciyay Arbacadii ayaa lagu sheegay in kooxdan caanka ah ay ururin karaan lacag dhan 150 milyan oo dollar sanadkii si ay u maamulaan miisaaniyada lagu bixiyo mushaaraadka, iibsiga hubka cusub iyo waxyaabaha kale ee muhiimka u ah howlaha kooxda.

Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, hantida kooxda ayaa laban laabantay 100 doolar sannadkii hore waxayna ahayd inay kordhiso iibsashada qalabka milatariga boqolkiiba 25. Horay kooxdan ayaa lacag dhan 24 milyan oo dollar ku iibisay hub badan oo ay ka soo iibsatay dalka Yemen oo ay dagaalladu aafeeyeen, kaasoo lala xiriirinayo xasillooni darro ka jirta dalkaas.

Dhaqan ahaan, Al-Shabaab waxay daqliga kasoo xeroodaan dadka rayidka ah ee ku nool magaalooyinka kala duwan ee ay ka taliso inta badan iyadoo u marta hanjabaad iyo caga-jugleyn ay la kulmaan ciddii u hoggaansami weyda in la ciqaabo. Dowladda ayaa uga digtay milkiilayaasha ganacsiga in ay dhaqaale ku bixiyaan Al-Shabaab.

Bishii Disembar 2022, dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in la xiray 250 akoono bangi iyo 70 xawaaladood oo lala xiriiriyay maalgelinta dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab. Kooxda ayaa ka jawaabtay dhawaan iyagoo ku eedeeyay Muqdisho faragelin joogta ah oo lagu hayo ganacsiyada muhiimka u ah bixinta adeegyada iyadoo la tixraacayo dakhligooda.

Todobaadkan, maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale ku soo koobay lacagta ay ku xawili karaan shirkadaha lacagaha taleefoonada lacag dhan $300 oo keliya maalintii, taasoo ah tallaabo lagu xakameynayo lacagaha lagu xawilo Al-Shabaab. Tani, ayuu Xasan Sheekh Maxamuud sheegay inay hagaajin doonto isla xisaabtanka.

Xoogagga dagaalka ee Al-Shabaab, ayaa lagu sheegay warbixinta Qaramada Midoobay in ay weli leedahay qiyaastii 7,000 illaa 12,000 oo dagaalyahan. Kooxdan ayaa dagaalyahanno ka qoratay Soomaaliya iyo qaar ka mid ah dalalka dariska ah kuwaasoo mas’uul ka ah weerarrada lagu bar-tilmaameedsado saraakiisha dowladda iyo ciidamada, kuwaasoo khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaro dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

Dhawaanahan, warbixintu waxa ay intaas ku dartay in kooxda xiriirka la leh Al-Qacida ay la kulantay khasaarooyin ka dhashay “olole militari oo xooggan” oo ka socda Soomaaliya. kaasoo gacan ka helaya Taliska Mareykanka ee Afrika, Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya [ATMIS] iyo maleeshiyaad maxalli ah kuwaasoo wada abaabul dagaal oo dhan walba ah.

Laakiin warbixintu waxay sheegtay in al-Shabaab ay kaga jawaabeen qaar ka mid ah weerarradoodii ugu balaarnaa uguna halista badnaa Weerarkii ugu dambeeyay ayaa lagu bartilmaameedsaday Hoteelo dhowr ah oo ku yaalla magaalada Muqdisho, iyadoo la sheegay in dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab oo Kenyan ah uu hoggaaminayay howlgalkaas sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.

“Al-Shabaab waxay dileen in ka badan 500 oo qof oo rayid ah, saraakiil, askar, saraakiil sharci fulinta iyo nabad ilaalinta caalamiga ah 6-dii bilood ee la soo dhaafay,” ayaa lagu yiri warbixinta. “Dawladaha xubnaha ka ah waxay qiimeeyaan in kooxdu ay sii wado fidinta horumarka dhuleed ee gudaha iyo dawladaha deriska ah, iyaga oo tilmaamaya weeraro badan oo xudduudaha ah oo lagu galay Itoobiya.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan ku celiyay in Al-Shabaab aysan sanadkan sii jiri doonin isagoo xusay in inta badan deegaanada Hirshabelle iyo Galmadug laga xoreeyay kooxihii ku caan baxay gumeysiga sida uu yiri

Soomaaliya ayaa sidoo kale askar u dirtay tababar dheeraad ah oo ay ku qaadan doonaan dalalka Ereteriya iyo Uganda halkaas oo lagu wado in ay ku bartaan xirfado dheeraad ah oo ku aaddan maareynta saxda ah ee ciidamada qaranka. Horey waxaa dalka uga baxay ciidamo gaaraya 6,000 oo askari halka la filayo in qeyb kale ay u safraan dalalka Itoobiya iyo Masar si ay tababaro la mid ah u qaataan.

- Advertisement -