Ciidamada dowlada Somalia oo dagaal kula wareegay degaano cusub oo ka tirsan..

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta degaanka ee gobolka Hiiraan ayaa  la wareegay deegaanada Inji iyo Afcad oo u dhexeya degmooyinka Jalalasi iyo Bulo-barde oo ka wada tirsan gobolka Hiiraan.

Talaabadan ayaa timid ka dib dagaal culus oo illaa shalay degaanadaas ku dhexmarayey ciidamada huwanta oo halkaas ku weerar kuwa Al-shabaab oo halkaas horey ugu sugnaa.

Dhinaca kale dagaalka ayaa lagu qaarajiyay ciidamo badan iyo saraakiil ka tirsan Al-shabaab oo qaabilsana ururinta sakawaatka waxa ay ugu yeeraan

“Horjoogaha u qaabilsana uruurinta iyo dhaca hantida dadweynaha ayaa lagu magacbi jiray Salaad maacmac iyo Axmed Fiidshe oo isaguna ahaa Horjooge ayaa lagu dilay dagaalkii Inji ee degmada Jalalaqsi, Gobolka Hiiraan” ayaa lagu yiri qoraal lagu baahiyey warbaahinta DF

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaannada  ayaa waday maalmahaan howlgallo al-shabaab looga saaray goobaha ay ka joogaan gobolada Hiiraan iyo Mudug.

- Advertisement -