Gudoomiye Caanaboore oo shir gudoomiyay kulan looga hadlay arimo Muhiim ah (Sawirro)

Kusimaha Gudoomiyaha Gobolka Banaadir mudane Cabdiqaadir Maxamud Maxamed (Caana-boore) ayaa maanta shir gudoomiyay kulan ku saabsan dardargalinta horumarinta Caasimadda sida kor uqaadista isku xirka laamaha Amniga iyo maamulada degmooyinka, kordhinta Dakhliga, arrimaha bilic soo celinta, iyo isdhaxgalka bulshada.

Shirkaan waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir ee Howlaha Guud iyo Arrimaha Bulshada, Saraakiisha Laamaha Amaanka, Taliska Ciidanka ilaalada deegaanka Xamar, Guddoomiyaasha Degmooyinka iyo qaar ka mid ah Agaasimayaasha Dowlada Hoose.
Gudoomiye Caanaboore ayaa ku booriyay Gudoomiyaasha Degmooyinka iyo saraakiisha kulanka ku sugneed in ay dar dargaliyaan horumarinta caasimada iyo isku xirka amaanka laamaha amaanka iyo maamulada Degmooyinka.
Kulankan looga hadlay arimaha ay kamid ahaayeen dar dargalinta amaanka aya akusoo aadaya xili mudooyinkii dambe kordheen falalka amaan daro ee ka dhacaya degmooyinka gobolka Banaadir sida dilalka qorsheesan iyo Qaraxyada.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
 
- Advertisement -