Wasiir Cadaalla: “Rag labo boqol gaaraya ayaa Khawaarijta looga dilay degaanka Iji”

Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala oo goor dhawayd shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay dagaalada ka socda qeybo ka mid ah gobolada Hiraan iyo Mudug ee dhexnaraya ciidamada DF iyo kuwa Al-shabaab.

Alcadaala ayaa sheegay in ka badan 200 oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay ciidamada dowladda ku dileen degaanka Iji oo ku dhow Jalalaqsi.

“Ilaa hadda inta aan xaqiijinnay waxaa deegaanka Inji lagu dilay in ka badan 200 oo ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab oo ay maydadkooda ay halkaas ka soo u uruuriyeen ciidamada huwanta ee wada howlgalayay.” Ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Cabdiraxaan Yuusuf Alcadaala.

Waxaa uu sheegay oo kale in dagaalkaas oo socday 48 saacadood lagu dilay saraakiil ka tirsan Al-shabaab

“Horjoogeyaasha kala ah, Salaad Maxamuud Siyaad oo Khawaarijta u qaabilsan aruurinta dhaqaalaha baadda ah, Xuseen Dheere oo ku xigeen u ahaa Salaad, Yuusuf Cali Sheekh, iyo Sandheere ayaa dhammaantood lagu dilay deegaanka Iji” ayuu yiri waiirka

Waxaa uu sidoo kale xusay in Al-shabaab looga furtay howlgalkaas In badan 300 oo oo isugu jira nuucyada kala duwan ee hubka.

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Al-cadaala ayaa Warbaahinta uga warbixiyay howlgalka ka socda gobolka Mudug.

“Ciidanka Xoogga dalka waxay howlgalka ka dhacay gobolka Mudug  ku dileen in ka badan 70 Argagaxiso, sidoo kale maalintii sedexaad ayuu howlgal sifeyn ah ka socdaa degaanada ku wareegsan Bacaadweyn” ayuu yiri wasiirka.

HOOS KA DAAWO HADALKA WASIIR CADAALA

- Advertisement -