Dagaalo culus oo ka socda degaano ka tirsan gobolada Mudug iyo Hiiraan

Ciidamada Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Galmudug ayaa maalintii 4aad howlgal xoogleh oo ka dhan ah Al-shabaab ka wada degaano ka tirsan koonfurta Gobolka Mudug.

Ciidamada ayaa howlgalladii maalmahaan ka socday deegaanadaas waxaa ay jab xooggan ku gaarsiiyeen Al-shabaab sida ay sheegeen saraakiisha xoogga dalka.

Deegaanada ugu daran ee la isku fara saaray waxaa ka mid ah Qeycad Laas-gacameey, Doonlaaye iyo kuwa kale oo dhamaantood ku yaalla nawaaxiga degmada Bacaadweyn

Dhinaca kale, Dagaalo ayaa ka socda deegaanka Inji oo ku dhow degmada Jalalaqsi ee Gobalka Hiiraan kaasoo dhexmaraya ciidamada dowlada iyo Al-shabaab

Howlgalkan oo bilowday shalay ayay ciidamada DF ku beegsadeen goob ay joogeen saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Al-shabaab oo deegaankaas ku sugnaa.

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta DF C/raxmaan Al-Cadaala ayaa sheegay in howlgalkaas khasaare xoogan loogu geystay Al-Shabaab, loogana dilay ku dhowaad 60 dagaalyahan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -