Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo War kasoo saartay qarax saakay lagu dilay Suldaan Daahir Xasan Tooxoow

Al Shabaab ayaa ka hadashay qarax saakay ka dhacay degmada Dayniile gaar ahaan laamiga hormara xerada Bengala , kaa oo lagu dilay Daahir Xasan Tooxoow (Daahir Dig digle) oo ahaa maamulaha iskuulka Dayniile.

War kasoo baxay Al Shabaab ayey ku sheegteen masuuliyadda dilkan loo geestay Daahir Xasan Tooxow, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in Daahir kamid ahaa waxgaradkii wax kasoo xulay ergada xildhibaanada kusoo doortay Galmudug.

 

Waxa ay sheegeen Al Shabaab in qaraxan bartilmaameedkiisu ahaa in lagu dilo Daahir Xasan Tooxow oo sheegeen in uu qeyb ka ahaa waxgaradka wax kasoo xulay ergada soo dooratay Xildhibaanada cusub.

Ehelada maamulahan la dilay ayaa sheegay in uu ahaa Suldaan dhaqan iyo sidoo kale maamulaha Iskuulka Dayniile, waxa ayna sheegeen in uusan qeyb ka aheyn odayaasha soo xuleysay ergada Xildhibaanada soo dooratay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=WmTPr1fIxDQ

Related posts

Koonfur Afrika oo marti-gelisay xulka Kubadda cagta ee Falastiin iyo madaxweyne Ramaphosa oo…

Cabdi Cade

Ku-simaha Madaxweynaha oo hal arin ku amaanay Laftagareen iyo Maamulkiisa (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidamada Somaliland oo xabsi dhigay Masuul horey uga tirsanaa maamulka Puntland

Cabdi Cade
Taboola Ads ---