Madixii qaraxyada Al-Shabaab ee gobolka Mudug oo gacanta lagu dhigay saaka

Madixii qaraxyada iyo Caafimaadka Al-shabaab ee gobolka Mudug Salmaan Daadir ayaa saaka lagu qabtay Aagga degaanka Camaara sida ay shegeen saraakiisha ciidanka xoogga dalka

Salmaan ayaa la sheegay in la qabtay isagoo gaari ku waday agabka laga sameeyo waxyaabaha qarxa iyo daawooyin.

Waxaa gacanta ku dhigay ciidamada xoogga dalka qeybta 21-aad ee ka howlgala nawaaxiga degaanka Camaara ee gobolka Mudug sida ay sheegtay warbaahinta DF.

Sarkaalkan ayey saraakiishu sheegeen iney muddo badan ku raad joogeen, uuna ka dambeeyey qaraxyo dad badan ku dhinteen qaar kalena ku dhaawacmeen oo ka dhacay degaano kala duwan oo ka tirsan Mudug.

Ciidamada Xoogga dalka qeybta 21-aad ayaa sheegay iney heyaddaha baarista iyo cadaalada u gudbin doonaan Salmaan Daadir si loo soo taago Maxkamad, loogana abaaml mariyo dembiyada uu shacabka ka galay sida ay warka u dhigeen.

 

- Advertisement -