Wiilal Walaalo ah la soo badbaadiyey 9 maalin kadib, Dhul-gariirkii Türkiga (Sawirro)

Fadliga Allaah ayey ku suurto-gashay in maanta isagoo nool laga soo saaro burburka Dhismihii uu ku hoos xanibnaa tan iyo markii ay labada Dhul-gariir ka dhaceen dalkaasi bishan February 6-dii.

198 saacadood kadib, waxay Kooxaha Gurmadka  saakayto oo Talaado ah soo badbaadiyeen Wiilkàasi oo ku hoos xayirmay burburka Dhismo ku yaalla Gobalka Kahramanmaraş ee Koonfurta dalka Türkiye.

Mar sii horeysay waxay Kooxda Gurmadka soo saareen Wiil kale oo la filayo inay Walaalo yihiin Wiilka 17-jirka ee isna maanta la soo badbaadiyey.

Dhanka kale, Kooxaha Gurmadka waxay soo fageen maydka qof ku hoos xanibnaa Dhismo ku yaalla dhul buuraley ah oo ka tirsan Gobalka Kahramanmaraş oo ahayd ubucda labadii Dhul-gariir ee ka dhacay 10 Gobal oo ku yaalla Koonfurta dalkaasi.

In ka badan 13 milyan oo qof ayey waxyeelo u geysteen Dhul-gariiradii ka dhacay Goballada Hatay, Gaziantep, Adıyaman, Malatya, Adana, Diyarbakır, Kilis, Osmaniye iyo Şanlıurfa.

In ka badan 158,000 oo qof ayaa laga daad-gureeyey Goballada uu Dhul-gariirku saameeyey.

Ku-dhawaad 238,500 qof oo isugu jira Baarayaal iyo Samata-bixiyayaal ayaa haatan ku hawlan Hawlaha lagu baadi-goobayo dadka weli nool iyo maydadka ku hoos jira burburka Dhismayaasha.

Ilaa 9,041 Shaqaale Shisheeye ah oo ka kala socda 77 dal ayaa iyagana qeyb ka ah Hawlgalka Gurmadka iyo Smata-bixinta, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Türkiye.

Qalinka: Ustaad Nuradin Ahmed Dini
Freelance Journalist,  Mogadishu

- Advertisement -