Allbanaadir.com
NEWS

Dagaal ka socda agagaarka degaanka Camaara & Ciidamada XDS oo kaabiga ku haya

Ciidamada dawladda oo ay taageerayaan kuwa maamullka Galmudug ayaa ku sii siqaya degmada Bacaadweyne ee gobolka Mudug oo ay gacanta ku hayaan kooxda Al-Shabaab.

Dagaal culus ayaa lagu soo waramayaa in labada dhinac uu ku dhexmarayo tuulada Qaycad oo qiyaastii afar kilo mitir u jirta Bacaadweyne.

Lagama hayo wax faahfaahin inta uu la egyahay khasaaraha uu dhaliyay dagaalka ka socda degaanka Qaycad.

Wasiirka Amniga Galmudug Maxamed Cabdi Gaboobe ayaa sheegay in ciidamadu kaabiga u saaran yihiin inay galaan Bacaadweyne, isagoo xusay inuu dagaal ka socdo tuulada Qaycad oo ku dhaw Bacaadweyne.

Degaanka Bacaadweyne oo ah meel istaatiiji ah ayaa bishii August ee sanadkii 2021 u gacan galay Al-shabaa kadib markii ciidamada dawladdu isaga baxeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Jeneraal Odawaa oo Rooble u sheegay in uusan Gurigiisa kasoo bixin iyo Wararkii u Dambeeyay

Cabdi Cade

Puntland: “Dowlada federaalku ma xiri karto Qunsuliyada Itoobiya ee Garowe”

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo soo saaray wareegto lagu Magacaabay..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---