Hanti dhawraha Guud ee Qaranka oo iska casilay xil uu horey u hayay (Akhriso)

Hanti dhawraha guud ee Qaranka Abuukaate Axmed Ciise Guutaale oo dhawwaan golaha wasiiradda xukuumada Soomaaliya xilkan u magacaabeen ayaa iska casilay xilkii  uu ka hayay idaacadda Mustaqbal ee ka howlgasha Muqdisho.

Qoraal uu soo saaray Hanti dhawraha guud ee Qaranka ayuu ku sheegay in uu isaga tagay xilkii uu ka hayay warbaahinta Mustaqbal,waxa uuna Hanti dhawraha cadeeyay in uu gudanayo waajibaadka Qaran ee loo igmaday.

“Kaddib markii Golaha Wasiirada XFS uu 09-February-2023 cod aqlabiyad ah ku ansixiyay magacaabisteyda Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka si Waafaqsan Qodobada 90aad, 99aad iyo 117aad ee Dastuurka KMG ee JFS iyo Qodobka 8aad ee siyaasadda tifaf-tirka Mustaqbal Media 2012, waxa aan go’aansaday in aan Iska Casilo xilka guddoomiyaha  guddiga sare ee Mustaqbal Media” ayuu ku yiri qoraalka uu soo saaray Hanti dhowraha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -